RW:Khayre oo Baydhabo Gaaray+Ujeedka

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaana halkaas kulamo kula leeyihiin Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira shirka Golaha Wasiirada oo maalinta berri ka dhici doona magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, waxaana shirkii u horeeyay bilo ka hor Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.