Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida ah siiyay Ra’isulwasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaana ogolaatay 215-xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka soo xaadiray wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin,sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii la ansixiyay lagu hor-dhaariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay ansixintii Golaha Shacabka iyo kalsoonidii ay siiyeen.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ansixinta ka hor jeediyey khudbadiisa codsiga Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Xildhibaannada inay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha, si uu u soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka ka qaadi karta meesha uu hadda joogo, horayna ugu sii wadi karta wixii Xukuumaddii hore ka soo shaqeysay.