Kalfadhiga Baralmaanka Galmudug oo kooram la’aan u furmi la’

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo la yagleelay bartamihii 2015 ayaa waxaa u buuxsamay 2 sano, waxaana mudda xil hayntooda ka harsan 2 sano oo kale, kalfidhiga 5-aad ee Barlamaanka Galmudug oo horey loo asteeyey inuu furmo 5 Luulyo ayaa dib u dhacyo badan ku yimaadeen, waxaana ilo ku dhow barlamaanka inoo xaqiijiyeen in ilaa 34 mudane deegaanka Galmudug joogaan, halka 55 kale ay ka maqan yihiin deegaanka, taas oo ka dhigeysa inuusan furmi karin kalfadhiga Barlamaanka, oo u baahan ugu yaran 46 xildhibaan, si uu u bilowdo.

inta badan xildhibaanada maqan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana sababta maqnaanshooda loo badinayaa arimo dhaqaale [ Mooshin iyo Mushaar ], waxaa muuqata in shaqadii loo igmaday ay gabeen badankooda, Waxaana inta badan lagu maslaxaa dhaqaale si ay shaqo u qabtaan, tusaale xildhibaanku wuxuu mushaar u qaataa 800$ inkastoo uusan bil kasta helin, haddana waxay gabeen shaqadii loo igmaday oo ah la xisaabtanka xukuumadda iyo sharci dajinta.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in xildhibaanada qaar ay tuban yihiin Aqalka Madaxweynaha Galmudug Magaalada Muqdisho, iyagoo horey iyo gadaal ula socda, ma shaqaalaha madaxtooyadaa? ma garan. nin carab ah ayaa laga hayaa KULU FIDNA CINDA GEEL, taas oo ka dhigan in Barlamaanku yahay halka ay ka dhaqaaqi la’dahay Galmudug.

TANI WAA CANAAN EE MA AHAN CEEBEYN.

W/Q: Maxamed Dhagacade

Cadaado-Soomaaliya