RW Abiy Axmed oo soo Faragaliyay Khilaafka Madaxda DDS

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo faragaliyay Khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustaf Maxamed Cumar iyo Gudoomiyaha xisbiga tala haya ee dowlad degaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Mustafe iyo Axmed Shide , waxaana uu ka codsaday in lasoo Afjaro Khilaafka, islamarkaana si wanaagsan loogu adeego Bulshadda degaanka.

Madaxweynaha dowlad degaanka ayaa si weyn uga Carooday dadaallo uu waday Wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, kaasoo ahaa in xubno horay uga tirsanaa maamulka Cabdi Maxamuud Cumar lagu daro Golaha Wasiiradda iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga.

isniintii ayaa 2 jeer magaalada Addis Ababa looga yeeray madaxweynaha dowlad deegaanka, isagoo markii uu dib uga soo laabtayna shir la yeeshay xukuumadda gobolka.

Go’aannadii shirkan kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in isku shaandheyn lagu sameeyay wasiirrada oo oo qaarkood xilalka laga qaaday kuwo kalena laga baddalay jagooyinkii ay horay u hayeen.