Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika

Wararka Maanta

IMG_05911

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Magaalada Adis-Ababa ee Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir Madaxeedka Midowga Africa oo maanta ka furmaya Magaalada Adis-Ababa.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, Hiigsiga horumarineed ee Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka AUC oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inta uu ku sugan yahay Magaalada Adis-Ababa ayuu kulamo la qaadan doona qaar kamid ah Madaxweynayaasha wadamada Africa ee shirka ka qeyb-galaya.