Romelu Lukaku Oo Everton Kala Hadlaya Hishiis Cusub

Ciyaaraha

sunderland-v-everton-premier-league

Mino Raiola oo ah wakiilka weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, ayaa shaaca ka qaaday in ‘inuu wadahadalo kula jirto kooxda xidiga heerka caalami ee dalka Belgium si la isugu afgarto heshiis cusub.

Lukaku ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Goodison Park  xagaagan suuqa kala iibsiga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in ay diiday xiisaha uga imaanaya Juventus iyo kooxdiisii ​​hore ee Chelsea naadiga  Merseyside ka dhisan.

23-sano jirkaan ayaa dhaliyay afar gool shan kulan oo uu saftay Premier League xilli ciyaareedkan, Everton iyo Raiola ayaa rajo ka qaba qandaraas kordhinta si laacibka loogu sii heeyo horyaalka Premier League.

 

Lukaku ayaa Chelsea kaga soo biiray Everton sanadkii 2013, markii hore si amaah ah, ka hor inta heshiis rasmi ah ugu wareegin xagaagii 2014. 132 kulan uu u saftay Toffees, weeraryahankan ayaa dhaliyay 65 gool.

Comments are closed.