Kevin De Bruyne: ‘Mohamed Salah ayaa ku guuleysanaya abaalmarinta PFA Ee Ciyaaryahanka Sanadka’

Ciyaaraha

Kevin De Bruyne ayaa qirtay in weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah uu yahay “mid laga yaabo inuu ku guuleysto” ciyaaryahanka ugu fiican sannadka ee PFA.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed wanaagsan, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana 20 gool ka caawiyay tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaa sidoo kale ahaa mid aad u fiican xili ciyaareedka 2017-18, isagoo dhaliyay 40 gool isla markaana  13 caawiye kaliya 45 kulan oo uu saftay.

“Waxaan qabaa hadii aad dooran kartid cid ka socota kooxdeena, waxaan u maleynayaa inuu isaga u qalmo” ayuu De Bruyne u sheegay NBC Sports.

“si kastaba isaga ayaa ku guulaysanaya, waa ciyaaryahan cajiib ah, islamarkaana la tartamida qof dhaliyay goolal badan, ma ku guuaysanaysid.

“Waan ku qanacsanahay qaab ciyaareedkeyga sannadkan, kooxda.”

De Bruyne iyo Salah ayaa hogaaminaya abaalmarinta PFA, sidoo kale waxaa qeyn ka ah  David Silva iyo Leroy Sane, weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane iyo goolhayaha Manchester United David de Gea.