Meydka Nin ka tirsanaa al-Shabaab oo la soo bandhigay

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gelinkii dambe ee shalay lagu soo bandhigay Meydka nin ka tirsan Shabaab.

Ninkan Meydkiisa lagu soo bandhigay Afgooye ayaa la sheegay lagu dilay Dagaal habeen ka hor Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Degmada Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Ibraahim Shaamow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay ninkan meydka ah in lagu dilay Dagaalkii xalay dhacay.

Cabdi Ibraahim Shaamow Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku ammaanay Ciidanka ammaanka qaabka ay uga hortageen weerarka Shabaabka ay soo qaadeen.

Al-shabaab ayaa habeen ka hor weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gooblka Shabeelaha Hoose.