Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.
Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ka ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.
Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Madaxweyanaha Soomaaliya ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada dal iyo inuu noqdo mid ku saleysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Finland iyo Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya:-