Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shir Looga Hadlayey Ka Hortagga Miinooyinka (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasaarada Amniga Xukumada Faderalka Soomaaliya ayaa qeyb gashey shir looga hadlaayey Bur-burinta Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Walxaha qarxa.

Shirkaan ayaa lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeyb galey wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Cabdinasir Siciid Muuse,Safiirka Soomaaliya ee Switzerland, Faadumo Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,sida Midowga Yurub,Canada, Norway,Natherland iyo Hey’addo caalami ah  oo lagu Casuumay Shirka.

Cabdinaasir Siciid Muuse Wasiir ku xigeenka amniga ayaa shirka ka sheegey in loobaahanyahay in la dardar galiyo howlaha miino ka saaridda Dalka,si Soomaaliya 2022 u noqoto meel ka caaggan Miinooyinka.

Wasiirka ku xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhawaan hay’adaha miino baarista horgeyn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.