Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ururka ONLF oo dhawaan laga soo daayey xabsiga itoobiya ayaa laga hor istaagay inuu booqdo Cadaado.
Qalbi dhagax muddo 3 maalmood ku sugnaa Gaalkacyo, oo aheyd halkii laga qabtay, ayaa laga sugayey inuu beri yimaado magaalada Cadaado.
Siyaasiyiin reer Galkacyo ah oo ka tala qaadanayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku qalqaaliyey Qalbidhagax inuu ka baaqsado booqashadii uu ku tagi lahaa Cadaado.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Cadaado waxaa ka socday diyaar garowga soo dhaweynta Cabdikariin Qalbi dhagax, inkastoo warkan caawa soo baxay sheegayo inuu badalay jadwalkiisa booqashada Cadaado.
Cadaado ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii aad looga diiday xarigga Cabdikariin Qalbi dhagax. Sarkaalkan ONLF ayaa u muuqda inuu qaatay talada Xaaf, oo ah ninkii shalay ka gadan rabay itoobiya.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com