Dagaal Labo Maleeshiyo Beeleed Muddo 6-sano Ah Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose Ku Dhex-marayey Ayaa markii Ugu Horreysay Waxaa Lagu Guuleystay In Heshiis La Dhex-dhigo Labadaasi Dhinac.
Arrintaan Ayaa Waxa Gacan ka Geystay Guutada 14-October Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Kuwaas Oo ugu Dambeyn Ku Guuleystay In Ay Isku Keenaan Dhinacyadii Dirirtu Ka Dhaxeysay.
Af-hayeenka Hawl-gallada Ciidanka Dawladda Ee Gobolka Shabeellada Hoose Oo Wareysi Gaar Ah Siinayey Ceelhuur.com Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Dhammaan Qodobadii La Isku Hayey Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaray.
Tallaabadan Ayuu Waxa Uu Sheegay In Gacan Uu Ka Geystay Abaanduulihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/laahi Cali Caanood Oo Isagu Dadaal badan Ku Bixiyey Sidii Beelahaas Heshiis Loo Dhex-dhigi Lahaa.
Col. Max’ed Ciise Af-hayeenka hawl-gallada Ciidanka Dawladda Ee Gobolka Shabeellada hoose Ayaa Xusay Kaalinta Isku Soo Dhaweynta Ah In Uu Uga Mahadcelinayo Taliyaha Guutada 14-October Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Af-hayeenka Hawl-gallada Ciidanka Dawladda Ee Gobolka Shabeellada Hoose:-