Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo maalintii 2-aad Xiran

Wararka Maanta

Waxaa saakay markale xiran wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, waxaana jira ciriiri ka dhashay wadooyinkan xiran.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa shalay xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, maadaama uu jiray kulan xasaasi ah oo xildhibaanada Baarlamaanka ay laba ugu qeybsanaayeen, balse kulanka markii dambe uu baaqday.

Isgoysyo ku yaalla wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay markale xiran, waxaana ka mid ah Isgoysyada Tarbuunka, KPP, iyo kuwo kale, ciidamada ammaanka ayaana ku sugan wadooyinkan.

“Walaahi hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed dhibaato ayaan ku qabnaa xirnaanshaha wadooyinka, shalay waala gartay, laakiin maanta ma naqaano, annaga nolol maalmeedkeena ayaan ka raadsanaa magaalada.” Ayuu yiri qof rayid ah oo ku nool Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa illaa hadda keeni la’ qorshe shacabka loogu furayo wadooyinka xiran, iyadoo qorshaha kaliya ay keentay dowladda uu yahay wadooyinkii furnaa oo la sii xirayo.