Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii 4-aad dibadda ku aaday

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Imaaraadka Carabta,  Safarkaan ayaa la aaminsan yahay in uu  la xiriiro sidii uu madaxda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaa arrimo la xiriira dhismaha saldhiga milatari ee magaalada Berbera.

Sacuudiga ay doonaya inuu  dhexdhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraatka, Khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu salka ku hayaa xiriirka tooska ah ay la yeelato dowlada Imaaraadka Carabta iyo shirkadaha xarumaha ku leh dowlad goboleedyada dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay aad u diidan tahay heshiiska dhex maray dowlada UAE iyo maamulka Somaliland ee ah dhismaha saldhigga ay ka samaysanayo magaalada Berbera.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaal mooshin ka dhan ah dhismaha saldhigga milatari ee magaalada Berbera. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa aad u dhaleeceeyay dhismaha saldhigan laga dhisayo magaalada Berbera.

Imaaraadka Carabta ayaa labadii sanno ee u dambeeyay fara gelin toos ah ku hayay Soomaaliya, waxaana ay xiriir dhow la lahaayeen ,madaxdii hore ee Soomaaliya, oo qaarkood ay taageerayeen ololihii doorashada oo dhaqaale fara badan ku bixiyay.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadeysa, xilli labo maalin ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareegayo Dekeda Boosaaso, laguna ballaarinayo.