Olivier Giroud Oo Laga Yaabo Inuu Garoomada Ku Soo Laabto Kulankii Reading

Ciyaaraha

4121

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in Olivier Giroud ay u badan tahay in uu kasoo muudo kulanka habeen danbe ee EFL Cup ee kooxda Reading.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac ku maqnaan tan iyo markii uu ka dhaawacmay suulka kulankii Gunners 3-0 kaga badiyeen Chelsea  24-ka September.

30-sano jirkakaan ayaa wadada u saaran inuu soo laabto, laakiin saaxiibkiisa Aaron Ramsey ayaa la sugayaa, inkastoo uu dhawaan ku soo laabtay tababarka buuxa.

Arsenal ayaan laga badinin 12kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.

 

W/D Hafsa Haaji

Comments are closed.