Sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Hobyo ee gobolka Mudug, nin hubeysan ayaa xalay saq dhexe gudaha magaalada ku dilay ninkale, Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xashi maxamed carab .
Ninka dilka geystay ayaa isla xalay u baxsaday deegaanka Ceeldibir oo hoostaga degmada Hobyo, lama oga sababta uu u dilay saaxiibkiis oo ay turub wada ciyaariyeen.
Ninka la dilay ayaaa u dhashay beesha Murusade, halka ninka dilka geystay uu u dhashay beesha Sacad.
Ciidamada Ammaanka iyo odayaasha Hobyo ayaa ku howlan sidii gacanta loogu dhigi lahaa gacan ku dhiiglaha.
Magaalada Hobyo ayaa waxaa ku sugan haraadigii kooxaha burcad badeedka, iyagoo inta badan ku hubeysan qoryo fudud.
Comments are closed.