Eedeysanayaashii Qaraxii Zoobe oo la xukumay

Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun maxkamadeed waxa ay ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii.

Maxkamadda oo muddooyinkii dambe waday dhageysiga Kiiska la xiriira  eedeynta ragga ayaa saaka soo gaba gabeysay, waxayna maxkamadda ku dhawaaqday xukunka ah.

  • Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.
  • C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.
  • C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah

  • Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble
  • Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidaas ku sheegtay inuu yahay xukunka eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe.

Qaraxii Zoobe ayaa lawada xusuustaa dadkii faraha badnaa ee ku dhintay. Kiiskaan ayaa muddo socday, waxaana wali dowladda laga heyn natiijada baaritaanka qaraxii Zoobe oo ahaa kuu ugu khasaaraha badnaa afrika ka dhaca.