Waxaa Caawa suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley, Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta.
Meydka Nabadoonka ayaa la sheegay in daqiiqado dhowr ah uu yaallay goobta lagu dilay, maadaama shacabka ay ka muujiyeen cabsi iyo in lagu bartilmaameedsado.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu falka u dhacay.