Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Xaafadda Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon Caan ahaa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen xiliga Nabadoonka la dilayay uu ku sugnaa Suuqa Bacaad, isla markaana rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado ay toogteen, isagoona goobta ku geeriyooday.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka,isla markaana sameeyay baaritaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh).

Suuq Bacaad ayaa kamid Suuqyada ugu Mashquulka badan ee ku yaalla Mgaalada Muqdisho,waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo  geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

isha: Radio Dalsan

Aragtidaada ka dhiibo