Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay amniga xarunta G.Banaadir

Wararka Maanta

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir la wareegay Ciidamo cusub, kuwaasoo bedelay Ciidamadii hore ee ka tirsanaa Booliska Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada cusub ee la wareegay amniga Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ah Ciidamada Birmadka ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay fariisimo ka sameysteen goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamadii hore ee Booliska xarunta waardiyeynayay.

Ciidamada cusub ee la wareegay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa Taliye looga dhigay Sarkaal lagu magacaabo C/salaan oo horay ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir Taliye uga ahaa xilligii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ciidamadii hore ee Booliska oo hoostagayay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ahaa Ciidamadii horay looga soo wareejiyay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxaa uu waday is bedelo dhanka amniga iyo sidii Mas’uuliyadda amniga Gobolka ula wareegi lahaa.

Tallaabadan maanta la qaaday ee Ciidamada cusub lagu wareejiyay Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir aayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ku beegan tahay labo bil kaddib Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir ee uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihi hore ee G/Banaadir Eng. Yariisow.