Musharaxiinta gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ka guddoomiyay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha araajidooda iyo taariikh nololeedkooda, iyadoo la siiyay shahaadado aqoonsi ah oo muujineysa inay buuxiyeen shuruudihii ku aadanaa Musharaxnimada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaan C/naasir Aadan Cusmaan iyo C/llaahi Axmed Calasow Shiine ayaa si diiwaan geliyay oo gudbiyay araajidooda.

Musharax Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Musharax C/naasir Aadan Cusmaan ayaa xilkan aad ugu cad cad, waxaana ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb olole xooggan.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Dhuusamareeb ku qulqulaya Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, sidoo kale waxaa magaalada gaaray Siyaasiyiin iyo xubno ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo si dhow xaalada doorashada Galmudug uga war-haya.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la filayaa inay dhacdo 17-ka bishan oo ku beegan maalinta jimcaha ee soo socota, waxaana aad isha loogu hayaa tartanka Guddoonka Baarlamaanka oo hadba laga qiyaas qaadan doono loolanka cida ku guuleysan doonta xilka Madaxweynaha Galmudug.