Isbahaysi ka dhex samaysmay loolanka kursiga madaxwaynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo sameystay isbaheysi siyaasadeed, taasoo ah sidii ay ugu midoobi lahaayeen Musharaxa ay dowladdu wadato.

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid Musharax Madaxweyne C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, balse taageero ka heysta Ahlusuna.

Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in saddexda Musharax uu kulankooda ka dambeeyay kaddib markii ay arkee howsha ka socota Dhuusamareeb ee Maamul u sameynta ah in dowladdu ay dhex dhexaad ka aheyn, isla markaana awoodeeda isugu geysay Musharaxa ay wadato.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal weyn u gashay sidii Musharaxa ay wadato uu ku soo bixi lahaa doorashada Galmudug, iyadoo wax kasta u sameysay.

Hase ahaatee waxaa jirta halis ka imaaneysa Musharaxiinta isbaheysanaya, taasoo aanay sahlaneyn, waxaana mugdi gelin karta rajada uu qabo Musharax Axmed Qoor Qoor, haddii ay midoobaan saddexda Musharax ee haatan isbaheysiga sameystay.