Sidee Wax uga dhaceen Maanta Xarunta Golaha Shacabka?

Wararka Maanta

Halkaan waxaan idinkugu soo koobeynaa sida ay wax uga dhaceen xarunta Golaha Shacabka:

  1. Amniga wadooyinka soo gala Baarlamaanta si aad ah ayaa loo sugay oo ciidamo dheeraad ah oo u badan Xoogga dalka ayaa laga keenay degmooyin ka baxsan Muqdishu.

  2. Xildhibaanada waxaa goor hore inta badan yimaadeen Golaha Shacbiga.

  3. Baaritaan iyo sugitaan amni ka dib waxaa bilaabatay siidaynta iyo hubinta xildhibaanada.

  4. Markii ay qaybtii ugu horaysay oo 30 xildhibaan, ayaa waxaa golaha ka bilowday qaylo iyo sawaxan.

  5. Xildhibaanada gudaha galay waxay la kulmay ciidamo aad u tiro badan oo horay ugu sii jiray golaha kuwaas oo anan halkaas laga filayn,

  6. Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa waxyar ka dib yimid golaha iyagoo wata ilaaladooda caadiga ah oo isugu jira AMISOM, Xooogga dalka iyo NISA. Ilaalad labisan ee Xooogga dalka iyo AMISOM dibada ayay ku hareen sida caadada ah, halka ay kuwa NISA ama dharcadka ay gudaha la galaan.

  7. Jawaari markii uu goobta yimid wuxuu dalbaday in ciidamada horay loo keenay golaha laga saaro kuwaas oo inta badan labisnaa dharka Ciidanka Booliska. Taliyeyaashii goobta ku sugnaa wa ay diideen. Halkaas waxaa ka bilow buuq dheeraad ah.

  8. Wasiirka Amniga markii uu arkay sida looga tiro badan yahay taageerayaasha mooshinka ayuu amray in la joojiyo soo daynta xildhibaanada.

  9. Gudoomiye Jawaari ayaa ku adkaystay in ciidan laga saaro Golaha taas oo ay diideen Taliyeyaadhii goobta joogay iyo wasiirka Amniga.

  10. Waxaa in la xuso mudan in wasiirada Amniga iyo Gashaandhiga oo labadaba xildhibaano ay ka mid xildhibaanada saxiixay moodhinka Jawaari si aad ahna ugu ololaynaayay meelmarintiisa.

  11. intaas kadib waxaa lagu soo kala dareeray Xarunta Barlamaanka, gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 2-aad waxaa loo galbiyey xaruntooda.

  12. waxaa sidoo kale galabta shir jaraa’id qabtay Taliyayaasha Ciidamada iyagoo ku eedeeyey Gudoomiye Jawaari inuu ciidamo la soo galay xarunta golaha Shacabka, waxaana Taliyayaasha ka muuqatay in ay la safnaayey Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.