Booqashadii Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika ay ku timid Soomaaliya

Wararka Maanta
Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin MP, ayaa safarkii ugu horeeyay ku timid daba-yaaqadii todobaadkan Soomaaliya,iyadoona booqatay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiirada Baldwin ayaa safarkeedi imaanaya,xilli  dhowaan safar ay ku timid Afrika Ra”iisal Wasaaraha UK, Theresa May, iyadoo shaacisay taageero cusub ay u balan qaaday Soomaaliya, sidii looga xal gaari lahaa arrimaha ammaanka iyo xasiloonida.UK ayaa kamid ah sadeexda wadan ee ugu horeeya, deeq bixinta Soomaaliya.
Wasiirka UK ee Arrimaha Africa, Harriet Baldwin MP,waxay Muqdisho kulan kula qaadatay Ra’isul Wasare Hassan Ali Kheyre, iyadoo ku boogadisay arrimaha hormarineed ay hirgelisay dowladda,waxayna balan qaaday inay Dowladda Ingiirska xoojineyso taageerada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kuna cel celisay mashaariicdii horumarineyd ee muhiimka ahaa oo ay hirgalisay Dowladda UK.
Booqashadan aya imaanayso,iyadoo goor sii horeysay ay Wasiirka shir Guddoomisay  kulan looga hadlayay arrimaha amniga Soomaaliya oo ka dhacay magaaladda New York.
Intii ay Muqdisho joogtay waxay booqatay xarunta Boooliska lagu tababaro taaso oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyadoo ka codsatay wadamada aduunka in ay deeq bixintooda lacageed ku aadan AMISOM ay sii kordhiyaan.
Mar ay kulan la yeelatay wadamada adduunka ee deeq bixinta arrimaha bani’aadmiga ayey ku balanqaaday in ay UK safka hore ugu jirto arrimaha bani’aadmiga iyo deeq bixinta.
Mrs. Harriet Baldwin MP, aya waxay kale oo afka ku dhufatay balanqaadkii $60million ay ubalanqaaday Soomaaliya Raisul Wasaarajha UK  Theresa May sidii lagu horumarin lahaa mashaariic farabadan oo arrimaha bini’adminimada qeyb ka tahay.
Maalintii labaad ee boqashadeeda ayaa waxay socdaal ku tagtay magalada Hargeysa. Waxay shir laqadatay Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muse Bixi, iyado kala hadashay Mashaariicda  hormarineed, shaqa abuurka dhalinyarada iyo horumarka dhaqaalaha.

Hadal kooban oo ay jeedisay markii booqashada u soo dhammaaday ka dib ayaa waxay Tiri,”

“Marki ugu horeysay aan booqasho ku imaado Soomaalia, waxa farxad ii aah in an la kulmay Ra”iisal wasaare Kheyre. annigoo ka wada hadalnay arrimaha na quseeyo ee ah arrimaha  amaanka iyo horumarka Soomaaliya.UK waxaa ka go’an in ay caawiso Soomaaliya dhinaca amniga, sidii lo qaban lahaa doorasho dumuqraadi ah,taasoo qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka dhinaca dhaqaalaha oo ay ubahantahay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed”.

Isha: Sonna