Miyuu Tababare Jurgen Klopp Nasiin Doonaa Qaar Kamid Ah Ciyaartoydiisa?

Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu rajeynayo in ay soo laabtaan ciyaartoydiisa muhimka ah kulanka caawa ee Champions League ay la ciyaarayaan kooxda Porto.

Reds ayaa 5-0 ku badisay lugta hore ee wareega 16-ka, lakiin ka hor kulanka muhimka ah ee Premier League ee Manchester United Sabtida, macalinka Jarmalka ayaa u sheegay suxufiyiinta in Porto ay weli halis ku tahay kulanka Champions League.

“Ma ahan in la nasasiiyo” ayuu yiri Klopp. “Porto waxa ay badisay dhamaan kulamadood tan iyo markii aan wada ciyaarnay, waa ay soo kabsan doonaan, taasina waa waxa ay doonayaan, waa Portuguese iyo sharaf iyo dagaal.

“Hadii qofkasta halkan u maleynayo inay halkan yimaadaan oo ay ciyaaraan ciyaarta, ciyaartoydooda xiddigooda waa ay kaga tagaan ama wax kasta oo ay qaldamaan, waa Champions League  adduunka oo dhan wuu daawanayaa.

“Ma u maleynayo in ilbiriqsi aan nasiin karno, waan ogahay in Manchester United ka dib nasugayso laakiin ma bedeli karno.”

Sadio Mane ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa lugtii hore, isagoo dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee Liverpool.