Arda Turan ayaa si cad u diiday inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Barcelona maalmaha soo aadan.
30 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay heshiis amaah ah oo uu ugu biiray kooxda Galatasaray, iyadoo uu xirmayo suuqa kala iibsiga Turkiga oo furan ilaa iyo habeenimada jimcaha.
Si kastaba ha ahaatee, Turan, ayaa ku adkeysanaya inuu ku faraxsan yahay Camp Nou, islamarkaana uusan ku laaban doonin Galatasaray sababtoo ah taageerayaasha ‘ma doonayaan’.
Galatasaray waa gurigeyga, laakiin waxaan ogahay inaysan I dooneynin haatan (taageerayaasha). Ma doonayo inaan wax dhibaato ah ku sameeyo ” kooxda, “Turan ayaa u sheegay Beyaz Futbol.
Turan ayaa 12 gool u dhaliyey kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkii 2016-17, laakiin wuxuu ku bilowday 14 kulan oo La Liga ah, isagoo seddex gool dhaliyay seddexdii kulan ee xilli ciyaareedkii hore.
W/Q Hafsa haji