Alex Oxlade-Chamberlain Oo Tababarkii Ugu Horeeyay La Qaatay Liverpool

Ciyaaraha

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa markii ugu horeysay tababar la qaatay kooxdiisa cusub ee Liverpool.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa dhameystiray heshiiskii uu ugu wareegaayo Anfield dhamaadkii suuqa kala iibsiga, isagoo heshiis 40 milyan ginni uga soo wareegay Arsenal.

Oxlade-Chamberlain ayaa ku maqnaa waajibaad caalami ee xulkiisa, laakiin wuxuu ku biiray saaxiibadiisa cusub ee Melwood isagoo diyaar u ah inuu safto kulanka Manchester City.

Waxa si diirran ugu soo dhaweeyay tababare Jurgen Klopp markii uu yimid Melwood kahor intii uusan qaadan tababarkii ugu horeeyay.

Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum iyo Andy Robertson ayaa ka mid ahaa kuwa qaatay tababarka fudud ka dib socdaalkooda heerka caalami.

W/Q Hafsa haji