Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhameystiray Golihiisa Wasiirada, isagoo xalay magacaabay 25 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru Dowle, dabayaaqadii bishii hore ayuu magacaabay 25 Wasiir, waxaana tirada guud ee Golaha Wasiiradu noqonaysaa 61 xubnood, waana xukuumaddii ugu tirada Badneyd ee ay Galmudug yeelatay.
Sidoo kale Dhismaha xukuumadan ayaa qaatay in ka badan 100 Maalmood. Waxaana wali cabasho ka jirtaa beelaha qaar oo saluugsan Saamiga ay ka heleen Golaha Wasiirada cusub.