Faafaaahin Gawaari Galmudug leedahay oo Garoowe lagu qabsaday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyee ilo xog ogaal ah Ciidamada ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigay gaadiid ciidan iyo raaxo isugu jira oo dowlad federaalka siisay maamulka Galmudug, gaadiidkan ayaa ka soo degay Dekeda Boosaaso.

Ciidamada gawaaridan la wareegay ayaa waxaa hor kacayey Col Jimcaale Jaamac Takar, waxaana falkan ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe galabnimadii Jimcaha 26 August 2016, Waxaana kadib gawaaridan la keenay Magaalada Garoowe.

Mas’uuliyiin  ka tirsan maamulka Galmudug oo aan wax ka weydiinaya arintan ayaa inoo xaqiijiyey in ay jiraan gawaaridan Garoowe lagu heysto, waxa ayna tiro ahaan gaarayaan  ilaa 6 gaari, oo kala ah :  3 Cabdibile, 1 Ambulance,  2 gaari oo ah kuwada aan xabaddu karin.

Ma cadda sababta Rasmiga ah ee ka dambeysa in Puntland gawaaridaan qabsato, inkastoo warar qaar sheegayaan in ninka gawaaridan Qabsaday oo lagu magacaabo Col Jimcaale Jaamac Takar uu sheegay gawaari ay beeshiisu leedahay lagu haysto deegaanada Galmudug.

 

 

 

Comments are closed.