Maraykanka oo Jehad Serwan ka baadigoobaya Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Diyaarado la rumeysan yahay in ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala ayaa fiidnimadii 26 December 2019 warqado ku daadiyey hareeraha iyo gudaha degmada Xarardheere gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay ceelhuur.com in warqadahan oo ay arkeen ay ku qornaayeen xogta ninka Dowladda Maraykanku aad u baadigoobayso Jehad Serwan Mostafa, iyadoo loo balanqaaday ciddii keenta macluumad ku saabsan ninkaas lagu abaalmarin doono lacag gaaraysa 5 Million Dollar iyo dib u dajinta dalka Mareykanka.

Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq xooggan ka wada deegaanada hoostaga degmada Xarardheere, halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin saraakiil sare, sidoo kalena ay kasoo abaabulaan Qaraxyada.

24 bishan ayey aheyd markii uu qarxay gaari ay ku diyaarinayeen Qarax xero ciidan oo ay ku leeyihiin deegaanka Miliqo oo hoostaga degmada Xarardheere.

Waa Kuma Jehad Serwan Mostafa?.

Jehad Serwan Mostafa waa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka, wuxuu daganaa gobolka California, sanadii 2005 ayuu usoo wareegay Soomaaliya, isagoo ku biiray ururka Alshabaab.

Mr. Mostafa ayaa gudaha Alshabaab looga yaqaan Magacyo ay ka mid yihiin Ahmed Gurey, Anwar al-Amriki, & Emir Anwar. Waa sarkaal sare oo Alshabaab ka caawiya tababarada iyo warbaahinta, sidoo kale waa Madaxa Ajaanibta ka barbar dagaalama Alshabaab.