Shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Beri 1da May

Wararka Maanta

Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa fasaxday Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maalinta barri ah.

Mudane Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka oo barito ku began,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa

Kowda Bisha shanaad ee May ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaale Weynaha caalamka,iyadoo guud ahaan caalamka uu siweyn u xuso,Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga xuso maalintaasi.