MD Axmed Baasto oo ka hadlay Arinta Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Video)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa ka hadlay arinta nin reer Galmudug oo Maxkamad ku taala Puntland ku xukuntay dil toogasho ah. Madaxweynaha ayaa Maamulka Puntland ka dalbaday in ay kusoo wareejiyana muwaadinkan, sida haddii uu dambi leeyahay lagu qaado, hadii kalena xoriyaddiisa la siiyo.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [ina Caloolgeel], waxaana ciidamada PSF Puntland iyo Kumaandoosta Soomaaliya ayaa 23 July 2017 kala baxeen guri ku yaala Gaalkacyo.

(Ina Caloolgeel) oo mar ganacsi ku haystay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay Puntland u Aaminsantahay in uu ka masuul yahay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Maamulkii hore ee Puntland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ayaa gacanta ku dhigey Tahliil iyo nin kale Nofeember 17, 2012 isaga iyo in kale, waxaana lagu soo qabtey iyaga maleegaya qaraxyo, kadibna waxaa lagu xirey Garoowe, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah sanadkii 2013-ka, inkastoo markii dambe lasoo daayey, kadib markii Puntland iyo Galmudug isweydaarsadeen Ina Calool geel iyo Maxaabiis lagu hayey koofurta Galkacyo.

halkaan ka daawo Muuqaalka.