Maxkamadda Degmada Dusmareeb ee ururka Ahlu Sunna ayaa maanta xukun sharci darro ah ku riday wariye Maxamed CabdiWali Tooxow, wariyahan ayaa muddo 10 maalmood ah sifo sharci darro ah ugu xirnaa Ururka Ahlu Sunna.
Waxaana ay ku eedeeyeen inuu idaacadda kulmiye u diray war uu ku sheegayo in Alshabaab yimaadeen deegaano u dhow Dusmareeb. Wariyaha Markii horeba ay sharci darro aheyd in xabsi lagu hayo 10 maalmood iyada oo aan Maxkamada la soo taagin, ayaa hadana aysan jirin qareeno u doodayey xiligii la xukumayey.
Maxkamadda Ururka Ahlu Sunna ayaa wariyahan ku xukuntay 6 bilood, waxaana tani marqaati u tahay dhibaatada ururka Ahlu Sunna ku hayaan Saxaafadda Madaxa banaan.
Wariyayaasha ku sugan deegaanada ay maamulaan Ahlu Sunna ayaa cadaadis iyo cagajugleyn kala kulma xubnaha ururkaan, waxa ayna sifooyinka cadaadiska Wariyayaasha ka shabaan ururka Alshabaab.
Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo ku sugan Dusmareeb ayaanan awoodin in ay arintan ka hadlaan.
Dhanka kale Qaar ka mid suxufiyiinta Galmudug ayaa xarigga Maxamed Cabdi wali ku tilmaamay mid sharci darro ah. Sidoo kale Wasaaradda Cadaaladda Galmudug ayaa soo saaray warqad ay ku cadeynayso in Maxkamadda xukunka ku riday wariyahan aysan hoostagin Galmudug, halkaan hoose ka aqriso warqadda wasaaradda.