Wafdi ka socday Golaha Dhalinyarada Qaranka ayaa galabta lagu soo dhaweeyey magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Mudane Cabdixaafid Xuseen, wafdigan ayaa safarka dhulka ah uga yimid magaaalada Galkacyo, duleedka Cadaado waxaa kusoo dhaweyey Gudoomiyaha Dalladda dhalinyarada Galmudug GYAN Axmed Maxamed Cumar iyo dhalinyaro farabadan.
Masuuliyiintan ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona Cadaado, iyagoo shirar la qaadan doona dhalinyarada Galmudug, Sidoo kale waxa ay u kuurgali doonaan baahiyaha dhalinyarada Galmudug.