Dib u dhac ku yimid Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay Safar uu maanta ku aadi lahaa dalka Qatar, maadaama uu jiro khilaaf weyn oo uu dhaxeeya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Xildhibaano ay soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ilo lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu waddo dadaallo ku aadan Xalinta Khilaafka , islamarkaana markii lasoo Afjaro Khilaafkaasi uu tagi doono dalka Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyntiisa maalmihii lasoo dhaafay aad looga dareemayay dalka Qatar, iyadoona Calanka Soomaaliya lagu sharaxay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aad u xoogeystay, waxaana jiray Saacadihii lasoo dhaafay kulmo ka dhan ah Guddoomiye Jawaari iyo kuwo lagu taageeraayo.

Murankan siyaasadeed ayaa sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo beesha caalamka iyo hey’adaha bulshada rayidkuna ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo si loo badbaadiyo guuliha ilaa iyo hadda laga gaaray dowladnimada iyo ammaanka Soomaaliya.