Madaxweyne Guuleed oo Cadaado dib ugu soo laabtay (Sawirro)

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlada Gobol eedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa goor dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug , waxana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi ,Gudoomiye kuxigeenka labaad baarlamaanka, labada gole ee Dowlada iyo saraakiisha ciidamada Amisom ee kusugan Galmudug.

Madaxqeynaha ayaa safar gaaban ku tagay Xamar, isagoo intii uu ku sugnaa kulamo wax ku ool ah la yeeshay safiirada jooga soomaliya qaar kood iyo Diblumaasiyiin caalami ah iyo madaxda Dowlada Soomaliya.

Madaxweynaha sidoo kale sheegay in Galmudug ay dadajineyso xildhibaanada dhiman si loo ilaaliyob waqtiga doorashada madaxtinimonee dalkeena Soomaliya.

fb_img_1480087973996fb_img_1480087988872fb_img_1480087993588fb_img_1480088009152fb_img_1480087969537fb_img_1480087977852

Comments are closed.