Maxaadan ogayn oo saaka ka jira Xeraale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka saakay ka imaanaya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalada deegaankaasi ay tahay mid degan,balse la dareemayo baqdin dagaal oo mar kale qarxa.

 

Guddoomiyaha deegaanka Xeraale ee Maamulka Galmudug Bashiir Daahir (Dhega badan),oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan deegaanka ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleed,islamarkaana weerar deegaanka ay ku soo qaadeen dad uu ku tilmaamay iney isku magacaabeen maamulka Bartamaha (Central).

 

Wuxuu sheegay in shalay deegaanka Madaafiic lagu garaacay,xalayna la maqlayay rasaas xoogan oo dhinacyada dagaalamaya is dhaafsanayeen.

 

Wuxuu sheegay in Ahlu suna deegaanka ay ku dileen Labo Haween ah mid kalena ay dhaawaceen,sida Guddomiye Bashiir uu sheegay.

 

Deegaanka Xeraale ayaa la sheegayaa iney ku dagaalamayaan Ciidamo ka tirsan Ahlu suna iyo Maleeshiyo beeleed diidan in deegaanka ay la wareegaan Ciidamada Duulaanka soo qaaday kuwaas oo lasheegayo in ay taabacsan yahiin Galmudug.

 

Ceelhuuronline