Maxaabiis laga soo daayey India oo Muqdisho la keenayo

Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in maanta ay soo gaaraan Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga siidaayay xabsiyada dalka Hindiya, kuwaas oo falal la xiriira burcad badeednimo loogu xiray dalkaas.

Maxaabiistan ayaa gaaraya 77 Qof oo ka mid ah maxaabiista lagu siidaayay heshiiska maxaabiis isweydaarisiga dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Qaybta maanta la keenayo waa qeybtii 2-aad,waxaana dhiman qeybta ugu dambeysa oo iyana la filayo in dalka dib loogu soo celiyo.

Xeer ilaaliyaha Qaranka,Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku howllan sii deynta Maxaabiista Somaalida ee ku xir xiran Xabsiyada dibadda iyada oo inta badan heshiisyo la saxiixday dowladaha ay u xir xiran yihiin.

Dalalka Cumaan,Itoobiya, Seychelles, Kenya iyo meelo kale ayey ku xir xiran yihiin dhallinyarada loo heysto burcad badeenimada iyada oo kuwa dhinaca tahriibkana lagu hayo dalka Liibiya halkaas oo ay intooda badan gacanta ugu jiraan Maggafayaasha.