Kooxo hubeysan ayaa goor dhow degmada Hodon waxa ay ku dileen nin nabaddoon ah sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka kunool degmadaasi. Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdulle Jimcaale, oo ka tirsan nabaddoonnada Gobolka Hiiraan.
Taariikhdiisii oo kooban
Axmed Cabdulle Jimcaale, waxaa uu nabadoon u ahaa beesha u tartantay kursiga uu sanadkan Janaayo 28 ku soo baxay Nuur Iidoow Beyle. Sanadihii u dhaxeeyay 1999-2009, wuxuu ahaa maamulihii iskuulka hose/dhexe/sare ee mujamac Dhiiba tacliim, ee magaalada Beledweyne. 1990-kii, wuxuu ka mid ahaa maamulkii degmada Maxaas ee G/Hiiraan. Waxaa uu ahaa aqoonyahan waxbadan ka qeeybqaatay hanaanka waxbarasho ee G/Hiiraan.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay baxasadeen Kooxihii dilka geystay. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobtu uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.