Maxaa ka cusub Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Siyaasadda Galmudug oo bilihii ugu dambeeyey fadhiid aheyd, ayaa sidoo kale waxaa is guraya waqtiga doorashada Galmudug oo ah bartamaha sanadkan 2019.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaanan cadeyn doorkooda siyaasadeed ee ku aadan sida looga gudbayo marxaladan kala guurka ah Galmudug, garabyada Cadaado iyo Dusmareeb ayaa u muuqda in ay isku barbar dhaceen madaama uu dheeraaday khilaafka siyaasadeed.

Madaxda Garabka Cadaado ayaa inta badan ku sugan Muqdisho, waxayna hotelada Muqdisho ku dhowrayaan go’aan madaxda Sare ee Dowladda ka qaataan xalinta khilaafka Galmudug.

Xaaf Ducaale ayaa isna ku sugan Gaalkacyo, isagoo la ogeyn qorshaha dhabta ah ee safarkiisa Gaalkacyo, wararka qaar ayaa sheegaya in ay socoto u kala dab qaadid isaga iyo Madaxda Dowladda Dhexe.

Dhanka Kale Sheekh Shaakir oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo ujeedka safarkiisa lagu sheegay arimo caafimaad. mana jirin kulamo uu la qaatay madaxda dowladda.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa karkarinaya sidii ay Galmudug u geyn lahaayeen lafta gareen kale, iyagoo maanka ku haya loolanka kaga imaanka Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo dhinacyada isku hayo siyaasadda Gudaha Galmudug, waxaana muuqata in Madaxda Federaalku isku dayayaan in aysan soo bandhigin qorshahooda ilaa saacadda u dambeysa.

Galmudug ma ahan mid u sahlan sidii Koofur Galbeed, waxaa ku gadaaman siyaasado iska soo horjeeda oo ay adag tahay in si dhibyar dowladdu ku soo saarto ninka ay rabto. Sidoo kale Madaxda Dowladda Dhexe ayaa waxaa bar madow ku noqday dhibaatadii ay ka geysteen Baydhabo, iyo sidoo kale guuldaradii kasoo gaartay Doorashadii Puntland.

Bulshada Galmudug oo ka daalay khilaafka siyaasadeed, ayaa wali quudareynaya in xal loo helo khilaafkaas xarga goostay.