Maxa ka jira Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna?

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti waxaa baryahaan kasocday Shirka lagu heshiisiinayo Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Shirkaan oo ay Maalgalinayso IGAD ayaa furmay 27 November waxaana kasoo baxayay warar kala duwan. Maalmihii ugu horeeyay ee Kulamada ayaa u badnaa aqoon is waydaarsi labada dhinac ah oo ku aadan habka loo xaliyo Khilaafaadka Siyaasadeed gaarahaan Khilaafka Labada Maamul.waxaana kadib furmay in la gudagalo wax yaabaha laysku hayo Galmudug waxaa Shirka u Matalaya Madaxwayne Xaaf.ku xigeenkiisa iyo Xunbo kale oo wehliya halka Ahlusunna Waljamaaca soo dirsatay Hugaamiyahooda Shikh Shaakir Xunbo uu horkacayo.

Sida ay Ceelhuuronline u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo ku sugan Shirka Jabuuti majiraan Qodobo wili laysku raacay oo qalinka lagu wada tuugay xili Warbaahinta qaar  iyo Baraha bulshada Shalay lagu baahiyay Heshiis dhaxmaray Madaxda labada Maamul.

Ahlusuna ayaa miiska soo saartay Qodobo dhowr sida inay helaan tiro lamida Baarlamaanka Galmudug oo loogu daro Golaha Wakiilada Galmudug kuwaas oo ay keenayaan Madaxda Ahlusunna balse ka imaanaya beelaha deegaanada Mudug iyo Galgaduud.Taliyaha Ciidanka Daraawiishta.Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Qodobo kale taas badelkeedana ogolaanayaan in la wada qaato Macaga Galmudug.Xaaf iyo ku xigeeniisana dhamaystaan Waqtiga u haray ayadoo la midaynayo Awooda Ciidan ee labada Maamul.dalabka Ahlusunna ayaa ah mid an wili u cuntamin Madaxda Galmudug gaarahaan tirada adka u badan ee Baarlamaanka.

IGAD ayaa isku dayayaysa in Madaxda Galmudug oo wili ka caga jiidaya tirada Baarlamaan ee Ahlusunna doonayso  ka dhaadhiciyaan waxaayna ka Cabsi qabaan imaantinka mooshin ka yimaada Mudanayaasha Ahlusunna loogu daro Baarlamaanka balse waxaa la filayaa in heeshiiska  lagu daro in aan wax mooshin Xil ka qaadis ah la keeni karin Muda Xilleedka Sanad iyo Barka ku dhow ee u hartay Madaxwayne Xaaf.

Guusha kalliya ee ilaa hada  ka muuqata Wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa in Miis qura Wada Fadhiyaan Hugaamiyaashii labada Maamul waana markii ugu horaysay oo ay isi toos ah isku hor fadhiistaan ayagoo ka wada hadlaya danahahooda iyo xalka gaarista Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya.Mamuuqdo Doorka Dhaxdhaxaadnimo ee Dowladda Soomaaliya ka ciyaarayso Kulanka Jabuuti waana Xasuus kale oo dareenkeeda leh in Dalka banaanisa lagu qabto kulamo lagu heshiisiinayo dad Soomaaliyeed ayadoo gacma kale u kala dab qaadayaan balse Bulshada Mudug iyo Galgaduud ayaa u hamuun qaba israaca labada Maamul si ay u helaan Maamul Awood leh oo ka Jawaaba Baahiyahooda.

Ceelhuuronline ayad kala socon doonta Wixii kasoo baxa Jabuuti insha Allah

W/D:Ali-yare Abdiwahab Aden