Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in la kordhiyay muddada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay weerarrada ka wadi karaan Soomaaliya.
Sharci cusub oo Bishii October ee la soo dhaafay la saxiixay ayaa Ciidanka Mareykanka u oggolaanaya in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya loogu ogol yahay in ay sii wadi karaan muddo ka badan laba sano oo soo socota.
Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay Newyork Times in hawlgalka lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo scota.
“Maddooneyno in aan qorshaheenna iyo siyaasadaheenna la dagaallanka argagixisada baahinno,waxaanse kuu sheegayaa in hawlgalka lagu kordhiyay waqti cusub islamarkaana noo oggolaanaya in aan beegsanno kuwa qatarta ku ah amnigeenna.” Ayuu yiri Marc Raimondi intii uu wareysiga siinayay Newyork Times.
Haddii qorshan uu anisixiyo Golaha xeer dejinta Mareykanka waxa ay Wasaaradda difaaca lumin kartaa awooddeeda in ay hakad geliso weerar uu fasaxay Pentagon-ka ayaa lagu yiri Warbixintan.
Hayeeshee Wasaaradda Gaanshaandhigga waxaa ay wali awooddaa joojinta weerarrada qaar iyada oo kulamo deg deg ah la yeelaneysa Golaha amniga Qaranka ee Dalka Mareykanka.
Hawlgalka la dagaallanka argagixisada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Bishii November ee la soo dhaafay shaaciyay in hawlgalkooda Soomaaliya uu xoogeystay islamarkaana tirada Ciidamada Mareykanka ka joogta Soomaaliya la kordhiyay lana gaarsiiyay in ka badan 500 oo Askari.