Marco Reus ayaa qirtay inuu isha ku hayo inuu arko Michy Batshuayi si uu heshiis joogta ah u saxiixo Borussia Dortmund.
Intii uu furnaa suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, Chelsea ayaa u ogolaatay Batshuayi inuu Dortmund amaah ugu tago inta ka dhiman xilli ciyaareedka, weeraryahanka reer Belgium ayaa durba saameyn ku yeeshay Westfalenstadion.
Batshuayi ayaa dhaliyay todoba gool sagaal kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, Reus ayaana qirtay inuu la dhacay saaxiibkiisa cusub.
28 jirkaan ayaa u sheegay Bild: “Waan ku faraxsanaan lahaa hadii Michy uu joogayo, wuxuu muujiyay sida uu muhim ugu yahay inuu nala garab ciyaaro, waxaan rajeynayaa inaan xilli ciyaareedka ku dhameysano booska Champions League.”
Batshuayi ayaa wali seddex sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa Stamford Bridge.