Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boqoasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan.
Kulanka ayaa ahaa mid ay uga wada hadleen xaalada dalka, waxaana uu Madaxweynuhu ugu xog waramay xaalada dalka uu ku sugan yahay.
Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulankan uu ahaa mid muhiim ah, oo uu wax badan kaga kororsaday taariikhda dalka Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad Xasan.
“Waxaan maanta Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Walaalkay Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaan uga xog warramay xaaladda dalku ku suganyahay sidoo kale waxaan ka dhegaystay talooyin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku nool dalka Masar oo uu deganaa 10-kii sano ee u dambeeyay, iyadoo magaalada Muqdisho ay ugu dambeysay sanadkii 2006-dii, xilligii Ciidamadii Itoobiyaanka ay joogeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in caawa uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dhaqan magaalada Qaahira, iyadoo lagu wado in kulankaas ka soo qeyb galo Madaxweyne C/qaasim.
Cali-yare Adam
Ceelhuur.com