Alexis Sanchez ayaa heshiis la gaaray kooxda Manchester United, sida laga soo xigtay wargeysyada.
xidiga Chilean k ah ayaa laga reebay ciyaartii Arsenal ee kulankii ay 2-1 guuldarara kasoo gaartay Bournemouth galabnimadii Axada, halka Arsene Wenger uu xaqiijiyay inuu baxayo xilli dhow.
Manchester City ayaa la filayaa inay heshiis la gaarto Sanchez bishaan ka dib markii Arsenal ay ku soo ku qiimaysay 60 milyan oo ginni xagaaga suuqa kala iibsiga.
Laakiin United ayaa haatan ugu cadcad inay ku guuleysato 29 jirkaan ka dib markii ay horyaalka Premier League ku garaaceen dalabkooda.
United ayaa diyaar u ah inay sanchez ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 400 kun ginni isbuucii.
Kooxda Mourinho ayaa sidoo kale diyaar u ah inay 30 milyan oo ginni kula soo wareegto Arsenal, taasoo 5 milyan oo ginni kaliya ka hooseysa qiimaha ay dalbatay Gunners.
Sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio, United ayaa heshiis la gaartay Sanchez iyo wakiiladiisa.