Garsoorka Somalia oo wajahaya Caqabado Dhowr ah.

Wararka Maanta

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji  Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Fedraalka Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in hay,addaha garsoorka aysan u dhameystirneen wax yaabihii Shaqadooda  aas aasiga u ahaa, sida Xarumihii ay ku shaqeyn lahayeen islamarkaan ay laga maarmaan tahay in la helo.

Sidoo kale wasiirka Caadalada ayaa tilmaamay  in dadka maxkmadda aadaya qaarkod ay sabol yihiin oo aysan heli Karin qarashkii ay ku aadi lahayeen waxaana uu intaasi raaciyay in hay,adaha Caalamka ay arrintaasi u gudbiyeen  kana dalbadeen in laga gacan siiyo.

Abuuukaate Xasan Xuseen Xaaji  Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa qiray in wadaarada Cadaalada xiligan caqabado badan ay ku hor gud banyihiin.