Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda Jaamacadda Ummadda, waana kuliyaddii uu madaxweynuhu ka Qalin-jabiyey, madaxweynaha waxaa wehliyey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Wasiirka Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Munaasabadda, waxaa sidoo kale lagu soo dhoweynayey Ardeyda Kuliyadahaas cusub, iyadoo ay munaasabadda ka hadleen waalidiin sheegay in Jaamacadda Ummaddu ay horseed u tahay Tacliin tayo leh oo ay Ubadkoodu helaan, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo magaca Culimada Soomaaliyeed ku hadlayeyna waxa uu dowladdu ka codsaday in mar walba waxbarashada dalkeennu xiriirka ugu adag  looga dhigo Diinta Islaamka, si khaladdaadka loo adeegsado magaca Diinta uu meesha uga baxo
.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ardeyda joogtay munaasabadda u sheegay in horumarka uu naga xigo inaan isku tashanno.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof: Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay sameysay horumar xooggan, xiriirrona ay la leedahay jaamacadaha adduunka ugu waa weyn qaarkood iyadoo isku tashi lagu gaaray arrimahaas, waxa uu tilmaamay in sannadka cusub ee soo socdo uu billaaban doono mashruuc lagu soo nooleynayo qeybo cusub oo ay Jaamacadda yeelan doonto.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, ayaa xoojiyey in Waxbarashadeennu ay lahaato xiriir ku saleysan Diinta Islaamka, maadaama ummaddeennu ay tahay Muslim.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyey maamulka Jaamacadda horumarka weyn ee ay hiigsadeen, waxa uu ku dhawaaqay in la bilaabo mashruuc lagu soo nooleynayo kuliyaddii Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la xoojinayo mashruuca Aada Dugsiyada ee ay dowladdiisu horey u bilowdey, kaas oo waxbarashada aas-aasiga ah bulshada lagu gaarsiinayo.

Madaxweynaha, waxa uu sheegay in ardeyda Jaamacadda Ummadda  dhigata ay ka kala yimaadeen guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan, taasina ay muujineyso sida Soomaalida ay u tahay ummad midnimadeedu aysan kala maarmin.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo leh taariikh dheer, waxaa dib loo soo nooleeyey sannadkii 2013-kii,  hadda waxa ay leedahay laba Kambas oo waa weyn, waxaana dhigata Ardey ku dhow 2,000, waxbarashadeeduna waa lacag la’aan, waa guulaha dowladda madaxweyne Xasan Sheekh kuwooda ugu muhiimsan ee hirgalay afartii sanno ee la soo dhaafey.

fb_img_1480188442024 fb_img_1480188451761 fb_img_1480188458125 fb_img_1480188463511 fb_img_1480188481619 fb_img_1480188487299 fb_img_1480188509750

Xigasho: Sonna

Comments are closed.