Hanti-Dhowrka Guud:” Musuqmaasuq baahsan ayaa ka jira Doorashada dalka ka socota”

Wararka Maanta

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Somaliya ayaa sheegay Doorashada ka socota dalka ee Aqalka hoose inay ka jirto Musuq maasuq iyo Ku takrifal awood Qaran.

Waxa uu sheegay Hanti Dhowrka inay jiraan Lacago fara badan oo lagu kala iibsanaayo Ergooyinka soo dooranaysa Xubnaha ka mid noqonaya Aqalka hoose ee dalka.

“Shaqsiyaadka Qaarkood kursiga doonaya ayaa axsaab iyo Ururo Lacag haysta oo ganacsato ah ayaa meesha ku jira iyaga ayaa ku tartamaya, nin waliba wuxuu aaminsan yahay hadii uu Kursi Xildhibaan inuu wax boobi karo oo uu dhici karo, qaarkood ayaa meesha ku soo geli kara, ilaa hada cid garanaysa malahan Guddoonka Doorashooyinka ayaa qaadaya Masuuliyadaasi isla xisaabtankiina, waa la diiday waan ka wada hadalnay qoraal ayaan u dirnay Madaxweynaha ayaan ogeysiin siinay, Ra’iisul Wasaaraha ayaan siinay iyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaan dhahnay maadaama aan nahay Hay’adihii u xil saarneyd arintaan inaan isla xisaabtan sameyno ayaan rabnaa, laakiin taasi ma aysan dhicin Somaliya marka la joogo ma jirto isla xisaabtan dhab ah, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaana qayb ka ah arintaasi.” Ayuu yiri Dr. Nuur Faarax Jimcaale

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayuu ku eedeeyay dhaqaale fara badan inay u adeegsanayaan Doorashooyinka, taasina ay muujinayso Shaqsiyaadka Madaxweynaha ka agdhaw ee Doorashada ku soo baxay.

“Madaxda Sare intuba waxa ay adeegsanayaan lacag waana wax muuqda weeyen, waxaana ay ka muuqataa sida Doorashooyinka ay ugu soo baxeen shaqsiyaad Xafiisyada Dowladda ka tirsan.” Ayuu yiri Hanti dhowrka.

“Mar hadii ay jirto ku takri fal awoodeed meesha ay ka jirto taana qasab waaye wax diidayo ma jirto, baaris ayaan wadnaa inaan ka hor dhacno ma rabno laakiin waxaan ka hadlay ku takri fal awoodeed iyo lacago sicir barar ah oo musuq maasuq ah sicir bararka ayaa koow ah ku takrifal awoodeed ayaa ku xigta, isticmaalka lacagta qasnada dhexe baaris ayaan ku wadnaa iyo cida isticmaashay. Ayuu yiri Hanti Dhowrka oo la hadlay VOA.

Comments are closed.