Madaxweyne Xaaf oo dib ugu soo laabtay Dusmareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, Madaxweynaha ayaa safar laba maalin ah ku tagay magaalada Nairobi Caasimadda Kenya.

Madaxweynaha oo ka dib dhacay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada iyo beesha Caaalamka, ayaa dib kala kulmay saraakiil safaaradda Maraykanka dalka Kenya iyo Diblumaasiyiin kale, Mr. Xaaf ayaa dacwad ka gudbiyey Madaxda Dowladda Dhexe, inkastoo Beesha Caalamku cadeysay in aysan dhex galeynin khilaafka Federaalka iyo Maamulada.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo Madaxweynaha u raacay Kenya , ayaa halkaas ku soo haray, lamana oga sababta uu uga soo haray wafdiga Madaxweynaha. Xaaf ayaa markii uu Dusmareeb yimid muujiyey in uu wali taagan yahay khilaafka kala dhaxeeyey Madaxda Federaalka iyo xildhibaanada Galmudug ku matala Barlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa 10ka bishan tagi doona Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland , halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka Hogaamiyayaasha Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada.

Dhanka kale Waxaa dhowr jeer dib u dhacay doorashada gudoomiyaha Barlamaanka garabka Dusmareeb, waxaana la sheegayaa in Xildhibaanada Beesha Sure ay diideen in ay ka qeybgalaan doorasho u xiran beel gaar ah, iyagoo doonaya in musharixiinta gudoomiyaha Barlamaanka lagu daro Saadaq Sheekh Yuusuf.

Haddii Saadaq lagu daro musharixiinta gudoomiyaha Barlamaanka, waxay caqabad ku noqon doonta Xareed Cali Xareed oo isku beel yihiin oo hadda ah gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka. Xareed ayaa ah hagaha siyaasadda Madaxweyne Xaaf, sidoo kale waa isku xiraha Xaaf iyo Cabdi Wali Gaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku mitidaya inuu siyaasi uu wato noqdo gudoomiyaha Barlamaanka, balse waxaa badan rajada Ahlu Sunna ku heli karaan jagadaas, madaama 112 xildhibaan ku leeyihiin Barlamaanka Dusmareeb fadhiya.