Roobkii Gu’ga oo ka curtay deegaano hoostaga Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Roobka Gu’ga ayaa galabta ka curtay deegaanada Jowle, Ris, Dhalwo oo hoostaga degmada Xarardheere ee koofurta gobolka Mudug.

Raxmada Eebbe ee halkaas ku hoortay ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada ku dhaqan deeganadaas.

Deegaanadan ayaa galbeed uga beegan Xarardheere, waana dhul howd ah, abaar daran ayaa ka jirtay, mana jirin wax caawinaad ah oo ay helaan dadka abaartu saameysay ee halkaasi ku dhaqan. Waxaana maamula Alshabaab.

Dhanka waxaa maanta ilaa caawa laga dareemayaa inta badan deegaanada Galmudug cirka oo daruuraysan. Waxaana suurtagal ah in saacadaha soo socda dhul balaaran roobku ka curto.

Comments are closed.